Powered by RND
PodcastsGovernmentMaamul Wanaag

Maamul Wanaag

Somali Public Agenda
Maamul Wanaag
Latest episode

Available Episodes

5 of 61
  • Maareynta Doorashooyinka Soomaaliya iyo Caqabadaha Ku Xeeran
    Dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay ku jirtaa sanadkii afaraad. Geeddi-socodka doorashooyinka & dib-u-eegista dastuurka weli waa qabyo. Hannaanka doorashada waxa aanan qeyb ka ahayn siyaasiyiin ay kamid yihiin madaxweynayaal & raysal wasaarayaal hore. Raysal Wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid waxa uu kamid ahaa afar siyaasi oo ka tirsanaa Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo heshiis siyaasadeed la galay hoggaanka dowladda federaalka 25-kii August ee sanadkan. Hadda waa hoggaamiyaha urur siyaasadeed 6-dii September la diiwaangeliyay oo qorsheynaya in uu ka qeyb galo doorashooyinka dowladaha hoose ee la qorsheynayo in ay dhawaan qabsoomaan.Qeybtan 61-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Raysal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo Raysal Wasaare soo noqday labo jeer, sidoo kalena sanadkii 2017 ahaa musharrax Madaxweyne, waxa ay isla gorfeynayaan maareynta doorashooyinka Soomaaliya iyo caqabadaha ku xeeran.Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at [email protected] Thanks for listening!
    --------  
    47:58
  • Aqoonsi-u-raadinta Somaliland & Dadaallada Dowlad-dhiska Soomaaliya
    Dalka Mareykanka waxaa ka socda dadaallo lagu raadinayo in uu Mareykanka u aqoonsado Somaliland dal ka madax-bannaan Soomaaliya. Dhanka kale dowladda federaalka ayaa wadda dadaallo loogasoo horjeedo in ay Somaliland ka go’do Soomaaliya.Qeybtan 60-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Feysal Rooble, oo ah aqoonyahan, falanqeeye & xubin katirsan Golaha Sare ee PDRC, waxa ay isla gorfeynayaan mustaqbalka Somaliland iyo guud ahaan geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at [email protected] Thanks for listening!
    --------  
    45:35
  • Nidaamka Metelaadda Beelaha ee 4.5 & Xilalka Sarsare ee Soomaaliya
    25 sano ayaa laga joogaa markii bishii August 2000 lagu dhisay Jamhuuriyadda Saddexaad magaalada Carta ee dalka Jabuuti.  4.5 in awoodaha loo qeybsado waxa ay kamid ahayd tiirarkii lagu dhisay dowladdaas. Inkastoo loo arkayay in muddo kooban kadib laga gudbi doono, 4.5 weli waa halbeegga metelaadda beelaha ee dowladda. Qeybtan 59-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Dr. Abdi Kusow, oo ah cilmibaare iyo bare jaamacadeed oo muddo wax ka qorayay arrimaha Soomaaliya & arimaha bulshada, sidoo Kalena sanadkii 2022 u tartamay madaxweynaha Soomaaliya, waxa ay ku gorfeynayaan metelaadda beelaha ee xilalka sare ee dalka.Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at [email protected] Thanks for listening!
    --------  
    1:14:03
  • Qorshaha Tirakoobka Dalka & Isticmaalka Xogaha Rasmiga ah
    Hay’adda Istaatistikada Qaranka Soomaaliya (Somalia National Bureau of Statistics) waxa ay sanadihii lasoo dhaafay ku howlaneyd dadaallo la xiriira uruurinta xogaha rasmiga ah ee dalka oo ay kamid tahay tirakoobka. Tayada & tirada xogaha rasmiha ah ee la hayo, iyo sida looga faa’ideysto ayaanan dad badan u caddeyn. Qeybtan 58-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Dr. Abdisalan Mohamed, oo ah Agaasinmaha Guud ee Hay’adda Istaatistikada Qaranka Soomaaliya, waxa ay ku gorfeynayaan arrimaha la xiriira xogaha rasmiga ah & tirakoobka ee uu ka shaqeynayo Hay’adda Istaatistikada Qaranka. Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at [email protected] Thanks for listening!
    --------  
    48:53
  • Heshiiska Dowladda Federaalka iyo Qeyb Kamid ah Madasha Samatabixinta
    25-kii Agoosto ee sanadkan, waxaa Muqdisho ku heshiiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qeyb kamid ah Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed. Qodobada heshiiska waxaa kamid ahaa in ay xubnaha baarlamaanka federaalka doortaan madaxweynaha sidoo kalena ansixiyaan xilkana ka qaadi karaan raysal wasaaraha & in urur-siyaasadeedkii ka hela ugu yaraan 10% xubnaha baarlamaanka fadaraalka uu noqonayo xisbi qaranQeybtan 57-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge iyo Amb. Daahir Maxamuud Geelle oo oo kamid ah afarta xubnood ee heshiiska la galay dowladda federaalka, waxa ay ku falanqeynayaan nuxurka heshiiska iyo mustaqbalka doorashooyinka Soomaaliya.   Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at [email protected] Thanks for listening!
    --------  
    1:01:10

More Government podcasts

About Maamul Wanaag

Somalia faces multiple governance challenges. The country is recovering from years of conflict, lawlessness and weak administration. Understanding and improving governance in Somalia is one of the core missions of Somali Public Agenda. Join Mahad Wasuge, SPA Executive Director, and his guests who will delve deep into governance issues in Somalia in the Maamul Wanaag podcast.
Podcast website

Listen to Maamul Wanaag, Brussels, My Love? and many other podcasts from around the world with the radio.net app

Get the free radio.net app

  • Stations and podcasts to bookmark
  • Stream via Wi-Fi or Bluetooth
  • Supports Carplay & Android Auto
  • Many other app features

Maamul Wanaag: Podcasts in Family

Social
v7.23.11 | © 2007-2025 radio.de GmbH
Generated: 11/10/2025 - 4:00:30 AM